Ma Jiro Ciyaartoy Doonaya Inuu Ka Hor Yimaaddo Isaga” – Michael Owen Oo Magacaabay Geesiga Lama Filaanka Ah Ee Manchester United Ee Laga Baqayo !!
Halyeygii Liverpool iyo xulka England ee Michael Owen ayaa magacaabay xiddig ka tirsan Manchester United oo ay ka cabsanayaan ciyaartoyda kooxaha kasoo horjeeda, kaas oo uu ku tilmaamay in aanu jirin ciyaartoy doonaya inuu waajaho.
Manchester United oo xalay barbarro 1-1 ah la gashay Crystal Palace ayaa waxa dhamaadkii laad xor ah ka dhaliyey michael Olise oo meesha ka saaray gool uu Red Devils hoggaanka ugu dhiibay Bruno Fernandes, laakiin daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayaa uu Aaron Wan-Bissaka la baxsaday kooxdiisa isaga oo baadbaadiyey kubbad uu xerada ganaaxa la tegay Zaha.
Daafaca midig ee England ayaa taakal ku qabtay Zaha oo tallaabooyin u jiray goolk, waxaanu soo badbaadiyey kubaddaas oo haddii laga dhalin lahaa saddexda dhibcood ay gacanta u geli lahaayeen kooxda tababare Patrick Vieira ee Crystal Palace.
Wan-Bissaka oo kursiga kaydka ku dhibaatoonayay tan iyo intii uu kooxda yimid Erik ten Hag ayaakulamadii bishan January isku-muujiyey, waxaanu dib u xoogsaday booskiisa iyadoo uu kaydka u dhacay Diogo Dalot.
Michael Owen oo falanqeeye ka ahaa ciyaartii Crystal Palace iyo Manchester United ee xalay, ayaa waxa uu Wan-Bissaka ku tilmaamay ciyaartoy cabsi-gelinaya weeraryahannada oo aanay cidina kusoo dhiirranayn, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay, in markii uu Wilfried Zaha liiska ciyaartoyda Man United ku arkay Wan-bissaka oo isaga calaamadsanaya, in uu ciyaarta ka horba isasii yidhi, ‘oh maya’. Sababtoo aha ma jiro ciyaartoy doonaya inuu ka hor tago Wan-Bissaka.
.jpeg)