Real Madrid waxay diidi doontaa marti-qaadka cusub ee Koobka Kooxaha Adduunka, ayuu yidhi Carlo Ancelotti
Carlo Ancelotti waxa uu sheegay in FIFA ay "hili karto" Real Madrid ka qayb galka koobka kooxaha aduunka ee loo qorsheeyay inuu u dhaco qaab dib loo eegay laga bilaabo 2025.
Tartankan oo ah mid cusub oo la qaban doono inta u dhaxaysa 13ka Juun iyo 15ka Luulyo ee sanadka soo socda, ayaa waxaa ku jiri doona 32 kooxood oo ka kala socda caalamka. Durba, 29 ka mid ah boosaska ayaa la buuxiyay, Real Madrid ayaa ka mid ah, iyagoo ku guuleystay Champions League 2022 iyo 2024.
Koobka kooxaha aduunka ayaa waxaa durba dhaleeceyn kala kulmay Fifpro iyo xiriirka kubada cagta aduunka oo ku baaqay in tartanka dib loo dhigo, iyagoo sheegay in ay dhibaato dhaqaale u geysanayaan horyaalada, islamarkaana ay saameyn ku yeelanayaan daryeelka ciyaartoyda. Madaxda Premier League iyo La Liga ayaa ku hanjabay inay qaadacayaan tartanka.
"Fifa way illoobi kartaa taas," Ancelotti ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Il Giornale oo uu soo xigtay Relevo.
“Ciyaartoyda kubbadda cagta iyo naadiyadu kama qayb geli doonaan tartankaas.
